Home » Ganacsiga » GANACSIGA IYO NOOCYADIISA KALLA DUWAN

GANACSIGA IYO NOOCYADIISA KALLA DUWAN

GANACSIGA IYO NOOCYADIISA KALLA DUWAN

Waa wax aad u wanaagsan inaan isku dayo inaan wax ka qoro ganacsiga iyo noocyadiisa kala duwan. Ganacsiga wuxuu leeyahay noocyo kalla duwan iyo qaabab kalla duwan ee loogu wada ganacsado. Dad badan ayaa aad u jecel inay noqdaan ganacsade, waa hawl aad u wanaagsan inaad noqoto ganacsade. Inaad noqoto ganacsade waxaad helaysaa isku filnaansho shaqsiyadeed. Ganacsiga wuxuu muhiim u yahay inaad noqoto shaqsi ku filan dhaqaalaha qoyskiisa iyo midda gaar.

Si aad wax badan ugu ogaato baahida loo qabo inaad wax badan ka ogaato ganacsiga iyo noocyadiisa kalla duwan waxaan qoraalkaan kuugu sharaxi doonaa qaababka ugu wanaagsan ee aad ku fahmi karto ganacsiga iyo noocyadiisa. TukeSomalism waxay waxay wax badan ka qori doontaa ganacsiga haddii Alle idmo. Waxaa jirto baahi weyn loo qabo in bulshada wax badan ka ogadaan qiimaha uu leeyahay ganacsi ku dhisan aqqoon iyo karti.

Halkaan hoose waxaad ka heli kartaa faahfaahinta guud ee Ganacsiga iyo noocyadiisa kalla duwan: Ganacsiga yaryar wuxuu kalla leeyahay noocyo kalla duwan oo kalla ah:

Ganacsi qof kaligiisa leeyahay “Sole proprietorships” ganacsiga noocaan oo kale waa mid shaqsi kaligiisa sameystay, lacagta waxaa iska leh hal qof kaligiisa, hantida ganacsiga, dhulka iwm. Ganacsiga noocaan oo kale wuxuu leeyahay qasaaro iyo faa’ido. Balse inta badan waxaa badan faa’idooyinka ganacsigaan. Dhammaan wixii faa’ido kuu ah adiga ayaa iskaleh, wixii canshuur ah adiga oo kali ayaa laga rabaa. Waxwalbana adiga ayaa ka masuul ah.

Ganacsi ay isla leeyihiin labo qof ama afar qof ama wey ka sii badnaani kartaa illaa ay gaarto heer weyn oo ah heerka seddaxaad “Partners”.Ganacsiga noocaan oo kale ganacsatada isku darsatay waa kuwa wadaago qasaaro iyo faa’ido, waxay kale oo ay isla leeyihiin dhammaan hantidaas taallo goobta ganacsigaas. Ganacsiga noocaan oo kale wuxuu leeyahay labadauba qasaaro iyo faa’ido intaba. Markii ay noqoto canshur bixinta mid walbo oo ka mid ah ganacsatadaan waa inuu dhinaciisa ka bixiyaa canshuurta halka ganacsi qof kaligiisa leeyahay uu bixinaayo kaligiisa. Qasaaro iyo faa’ido waa la wadagaa waxaana loo wada qeybsadaa qofwalbo inta uu ku leeyahay ganacsigaas.

Heerka sedaxaad ganacsiga ee loo yaqaano “corporation” heerkaan waa heer ay ka tirsanyihiin dad badan oo gaaraayo illaa 50 ganacsato, marmarka qaar xittaa waxaa dhacdo inay kasii badan yihiin tiradaas. Marwalbo faa’idada ganacsigaa waxaa lagu qeybsadaa qofwalbo wuxuu dhiibtay tusaale ahaan haddii Cabduljabaar uu ku leeyahay boqolkiiba 25% wuxuu helayaa oo kali boqolkiiba 25% maxaa yeelay lacagta uu ku darsaday ayaa intaas ahayd. Ganacsiga noocyadaan oo kale ayaa ka mid ah shirkadaha waa weyn sidda Apple Mac, Pepsi, Hormuud, Turkish Air, Dahabshiil, iyo kuwa kale oo aad taqanaan. Ganacsiga heerkaan wuxuu gaaraa markuu yeesho dhaqaallo xoogan ama ku filan. Ganacsiga markuu heerkaan gaaro waxaad ku ogaanaysaa wuxuu leeyahay xarumo badan hal wadan gudihiisa wuxuu ku leeyahay 150 xarun iyo in ka badan. Haddii aad maanta ganacsi bilaawdo waxay kugu qaadanaysaa inaad heerkaas gaarsiiyo mudo balse waad ku gaarsiini kartaa mudo yar oo gaaban, waxwalbana adiga ayay ku xerantahay.

Inta badan ganacsiga yar-yar wuxuu aad u caawiyaa dawlada maxaa yeelay caawinta dawlada waxay kaa saacidaysaa inuu sii fidi karo ganacsigaas. Danaha ay marwalbo dawladaha ka leeyihiin inay caawiyaan ayaa ah inay abuuraan shaqooyin iyo inay bixiyaan ganacsatada canshuuraha.

Maxaa keenay in ganacsatada Soomaalida ay diidaan inay bixiyaan canshuurta ay xaq u leedahay dawladda markaas taagan ee la aqqoonsanyahay? Dabcan ummada Soomaaliyeed waxay u baahantahay in badan loo sheego qiimaha ay leedahay inay bixiyaan canshuuraaha. Cidwalbo waxay ka warqabtaa in Soomaaliya la caawiyo, qaasatan xittaa mishaarka dawlada ma iska bixini karaan, waxaadna oo dhana waxaa keenay wadanka wuxuu leeyahay ganacsi badan, dhammaan ganacsatadaas haddii loo sheego inay muhiim tahay inay bixiyaan canshuurta waxaa halkaas kasoo bixi karo inay ummada ay noqdaan ummad ku filan inay dhisaan dawladooda markaas taagan.

Haddii la doonaayo in dalka laga dhiso xaqqa dhaqaalaha gudaha, dawladda waxaa loogu baahanyahay in lalla yimaado cilmi waayo arag ku dhisan oo si fiican u qeexi karo qaababka loo dhisi karo ganacsi yaryar si dad badan ay u helaan fursadaha shaqooyinka.