Home » Beeraha » Dalaga Beeraha

Dalaga Beeraha

Dalaga Beeraha

Dalaga beeraha Soomaaliya oo dhan kuwaas oo aad u badan ayaa waxaa aysan loogu faa’idaysan la yahay farsamo xumo iyo ka faa’iidaysi la’aan haysata shacabka soomaaliyeed waxaana weli maraysaa halkii uu marayay dhoorsano ka hor.
Waxaana runtii la dhihi karaa hoos u dhac weyn oo kayimid wax soo saarka beeraha baaxad leh aynu leenahay oo aysan qofna sifican ugu faa’idaysanin marki lagareebo shaqsiyaad qaar inta badan beeraha soomaaliya beerasho la’aan ayaa ku timid ilaa xiligii ay kabaxaday xukuumadii dhaxe soomaalya oo ku dhiragalin jirtay shacabka soomaaliyeed in ay beerahooda ay kafaa idaystaan oo aysan qofkale wax kasugin.
Balse nasiibdaro maanta waxaynu wax kasugaynaa dadkale ama heyado gargaarka oo hada mareyso meel xun taas oo ah in aysan dadka soomaaliyeed aysan kafaa idaysanin dhulkooda kheyraadka badan oo ay wax kasugaan dadyow kale oo ay iska dhaafeen beerahooda taas oo sababtey sanadkii hore macluul ama gaajo aad udaran, taasoo saameysay dadbadan oo soomaaliyeed oo kudhaqan koonfurta soomaaliya, kuwaasoo badankood u hayaamey wadamada dareska la ah soomaaliya oo qaxooti kuyihiin.
Hadii dadku beerahooda kafaa’idaysan lahaayeen madhici lahayn abaartaas intaasi dhib ah geysatay dadka waxay umaleyaan abaarta in ay bilaawatay sanadkii hore laakin waxay bilaabatay mar hore markay iska dhaafeen berahooda in ay fashaan in aysan xooga saarin beeraha.
tankale dadkii aqoonta buuxda u lahaa beeraha markuu bilowday dagaalka waxaay aadeen wadanka dibadiisa qofka beeralayga ah haduusan aqoon buuxda ulahay beerashada dalaqyada kala duwan ama qof kubaraarujiya beerashadiisa haduusan helin wax fican kama faa’idaayo, kadibna markuu arko waxyar ay usoo go aan ama uu kahelo waxyar beerta wuu iska dhaafayaa sanadkalena waxba mabeeraayo ileen kii hore ayuu kuqasaarey.
Dhibka kale ee jira ayaa waxaa uu yahay dadka soomaaliyeed markay soo go’aan beerahooda, waxaa raashin farabadan kena hey’addo gargaar kadibna waxaa hoos udhaca qiimaha raashinka ama qofka beraleyga ah waxaa uu arkayaa raashiin oo raqiis ah kiisana wuu kuqasaaraya dibna uma beerayo ileen kii hore ayuu kuqasaarey.
Gaar ahaan koonfurta soomaaliya gobolada kuyaalo ayaa ubadan arintaas
dhamaan dalagyada hoose ku qoran way ka baxaan beeraha soomaaliya, dalagyada hoos ku taxan iyo kuwo kale, oo badan oo halkaan kusoo koobikarin kuwaasoo labeeri jiray waqtigii dowlada soomaaliya, oo ay jireen mashaariic lagu hormarinjiray beeraha.

Nooca Dalaga Mudada Bixitaanka
galay 90 beri
masagada 90 beri
sisinta 90 beri
muuska 180 beri
digirta 80 beri
yaanyada 80 beri
babaayga 90
lowska 120 beri
canbaha 6 sano
liinta 5 sano
Bulshada Soomaaliyeed waxaa ayaandaro u ah inaysan mar kaliya isku raacin inay ku qanacdo waxa dhulkeeda ka baxa.
Inta aanan la gaarin nolol iyo helitaan adeega qalab iyo aaladaha nolosha sahla, waxaa Soomaaliya lacagtii ka dhamaystay cuntada oo inta badan dhoofin ku timaada.
Wadamada dariska nala ah waxay quraacda aroortii, qadada maalinimada, cashada habeenkii iyo marti qaad oo dhan isticmaalaan waxa wadankooda ka baxa. Ururo iyo iskaashato beeralay Soomaaliyeed oo u istaagtay hormarinta beeraha weli lama helin.
Cunida malaayga waa shay macaane, Aan beero falanoo baahida aan ka baxnee, ayaan ugu dhawayn wacyigelinta inaan nolol ka dhigano waxa Alle na siiyay oo runtii barwaaqo aan la soo koobi karin ah.
Ma ogtahay Kiinya oo dadaal badan, dadkeeduna wacyi qabaan in canbaha bar kaga yimaado Soomaalia?
Dhanka wadankeena, dalagyadaan mid walba midka kale wuu ka abuur sahlanyahay, Muuska ayaa ugu abuur sahlan. Laan baxaysa ayaa inta la soo gooyo dhulka laga taagaa ka dibna la waraabiya halkaasna geed kale oo wayn u noqon mudo yar ka dib, badiyaa 2 sano.
Bataatiga ama baradhada waa dalag cuntada daruuriga ah ka mid balse Soomaaliya kama baxo oo dhoof ayaa lagu keenaa.
Walow cimilada kulaylaha ah ee dhulka beeralayda ee Soomaaliya uusan inta badan ku haboonayn beerista baradhada ama bataatiga, waxaa jiri kara meelo qabow oo heerkulka u saamaxayo beerista.
bataatiga 180 beri
Waxaa dhul cimilo qabow leh laga helaa dhulka ka sareeyo bada boqolaal KM sida magaalada Baydhabo iyo magaalooyinka la mid ah xaga heer kulka.